Iska Hor Imaad U Dhaxeeyay Ciidanka Dowlada & Al Shabaab Oo Ka Dhacay Xudur

Read Time:48 Second

Wararka ka imaanaya deegaano hoos yimaada Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayan In halkaasi uu iska horimaad uu ku dhexmaray Ciidanka dowlada Soomaaliya kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo rag hubeysan oo loo maleynaayo in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

Dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay wadada u galeen Kolonyo Ciidan oo ay la socdeen Ciidanka dowlada Soomaaliya kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo socdaal ku marayay  deegaano ka tirsan Degmada Xudur ee Gobolka Bakaaol .

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in ay iska caabiyeen ragii weerarka ku qaaday oo loo maleynaayo in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab,waxaana uu sheegay in weerarkaas uusan wax Khasaaro ah ka soo gaarin Ciidanka dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Al shabaab ayaa weerar jid’gal ah waxa ay mararka qaar ku qaadan kolonyada ay la socdaan Ciidamada dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku socdaala wadooyinka deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %