Iska Dawee Gaaska ( Laab Jeexa ) Adigoo gurigaada jooga Si dhib yar !

Gaasku waa boog ku sameysanta xuubka hoose ee caloosha,tuubada cuntadu ay marto iyo qaybta sare ee mandhicirka.

Waxaa keeni kara ee ugu badan waa 3 shey oo waa weyn.

1=HCL-Acid oo ah acidkii loogu talo galey in cuntada lagu dheefshiido oo caloosha ku bata dabadeed xoqa xuubka hoose ee caloosha ama kusoo butaacda tuubada cuntadu ay soo marto sidaasna ay boog ku noqoto meesha.

2= H-pylori bakteeriya oo ah bekteeriyo caadi ahaan caloosha laga helo taasoo ugu danbeen sun kusii deysa xuubka hoose ee caloosha kadibna dilaac ku sameysa sidaasna boog ku noqota.

3= Daawooyinka qaar kamid ah oo loo yaqaano NSAID waxaa kamid ah daawoyinkaas Aspiriinka, ibuborafiinka iyo dikloofeenka ay soomaalidu inta badan isticmaasho kuwaas oo xoqaya marka in badan la qaato dahaarka hoose ee caloosha sidaasna ay boog iskugu badalin.

Sigaarka iyo khamriga waa ay sababaan iyaguna.

CALAAMADIHIISA

Laabjeex ama laab olol
Wax kugu soo butaaca oo kharaar ama dhanaan ah
Omateetka oo kaa xirma
Saxarada oo madoow xigeen noqota
Bogga oo nabar kaa qabto markad gaajoota ama aad cunto cunto.
Iyo calaamado kale oo badan

Hadaba si aynu u daaweyno xanuunkaan anaga oo gurigeena joogna waxa aynu u baahanahay in la baabi’ino bakteeriyadii dhaawaca keeneysey ee H-pyloric iyo in aan ka fogaano isticmaalka badan ee daawooyinkii aan soo sheegey ee ahaa Aspirinka iyo ibuborofin iyo deklofenka

Hadaba cuntooyinkan hadaad qaadato waaad ku caafimaadi doontaa illaahay idinkiis.

1= YOOGARKA/Yogurt

Yoogarta waxaa ku jira maadooyinka ah
Probiotics, lactobiotics iyo Acidophilus kuwaas oo kaa caawinaya in ay boogtii buskooto sidoo kale waxa uu yareenayaa bakteeriyadii H-pyloricga ahayd waxa kale ay isku dheeli tireysaa Acidka caloosha lagu soo deynayo si uusan u dhaawicin.
Ka isticmaal maalin walba yoogarta xoogaa.

2= MALABKA
waa mid kamid ah daawooyinka ugu faaiidada badan ee aynu koonkaan ku haysano ahna daaweeyaha cuduro aad u fara badan,wuxuu soo kabitaan ku sameeya boogaha waxa uu ka hortagaa in ay bekteeriyadu ku korto caloosha waana caabuq baabi’iye awood badan.
Labo ama sadex qaado aroor walba iyo fiidkii ka isticmaal malabka kiisa dabiiciga ah ee shinidu sameyso ma ahan kan warshaduhu soo saaraan.

3= LOWSKA

Waa daawo kale oo aad ugu fiican in lagu daaweeyo gaaska in aad qaadato maalin walba looska wuxuu kaa caawinayaa in ay buskooto boogtii dahaarka hoose ahayd,
Waxa uuna ka koobanyahay Loowsku kalshiyum,borotiin iyo Vitimiin Sii oo daawo ah in uu bogsiiyo dhamaan boogaha yareeyana waxyaalaha sababa dil-dilaaca jirka.

4= TUFAAXA

Hal xabo oo tufaax ah oo aad maalin walba aad qaadato ayaa kaa caawinaya ay bogsooto boogtii caloosha ku tiiley,
Tufaaxa waxa ku jirta maadada Flovanoids taas oo awood uleh in ay meesha ka saarto H-pyloric bakteeriya.

5 = TOONTA

cunitaanka toonta ayaa awod u yeelenaysa in ay bur-buriso bakteeriyada H-pyloric
Toontu waxa ay ka koobantahay Antimicrobial taas oo daawo u ah boogta

2 ama 3 xabo oo toon ah oo aad qaadato maalin walba ayaa kaa dhigeysa in aad ka reysato gaaska.

6= KAAROOTADA

waxay adkeysaa sibibixna ka dhigtaa dahaarka caloosha ee hoose si aysan boogi ugu sameysmin,
Vitimiin A ayaa ku jirta kaarootada oo kabitaanka ku sameeya dhaawacyada jirka waxayna daawo u tahay dhamaan caabuqyada caloosha.

Biyo kulul iskaga dhaq kadib cayriinka ku cun,
Ama intaad shiidato cabitaan ahaan u cab maalin walba hal galaas oo kaarooto ah.

TALLO

-ka dheeroow wal-walka sababto oo ah wuxuu dhiiri galiyaa calaamadaha gaaska inay kugunsii xumaadaan.

Ha isticmaalin ama iska jooji hadaad isticmaasho sigaarka iyo qamrida sababtoo ah aad ayey u kiciyaan una dhaawacaan caloosha.

Ha cabin adoo gaajeysan cabitaanada Acidka leh sida kookakoola,faantada peepsida iyo dhaan inta acidka leh.

Daawo allaha idinkaga dhigo walaalayaal intaas.

U #SHARE gareeya walaalihiin, Halkaana uga wac dhowr qof oo muhiim kuu ah oo gaaska la dhibtooda si ay uga faaiideystaan.

Mahadsanidiin walaalayaal.

#Qoraa Dr Mohamed Amen

SHAREGAASKA ISKA DAAWEE ADIGOO GURIGAADA JOOGA?

U #SHARE gareeya walaalihiin.