ISIS oo wareysi ka duubtay duuliyihii reer Urdun "Dil-suge ayaan ahay" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

ISIS oo wareysi ka duubtay duuliyihii reer Urdun “Dil-suge ayaan ahay”

Mareeg.con: Kooxda la baxday “Dowladda Islaamiga ah” loona yaqaano ISIS ee ka dagaalama Suuriya iyo CIraaq ayaa sii daayey wareysi muuqaal ah oo ay ka duubeen duuliyihii reer Urdun Mucaad Yusuf al-Kaseasbeh ee maalmo ka hor diyaarad dagaal uu weday ay kusoo rideen magaalada Raqaa ee dalka Suuriya.

Wareysigan ayaa lagu shaaciyey jariirada internetka lagu faafiyo ee ISIS leedahay DABIQ, taasi oo ku qoran luuqada Ingiriiska.

Markii wareysiga laga qaadayey duuliyaha da’da yar ee reer Urdun wuxuu xirnaa dharka leh midabka huruudda ah ee maxaabiista loo xiro, taasoo laga cabsi qabo iney tilmaan u tahay in la dilayo.

Askarigan kamid ah ciidamada Cirka ee Jordan ayaa wareysigan lala yeeshay ku sheegay qaabkii lagu soo riday diyaaradii uu waday oo kusoo dhacday duleedka magaalada Raqqa ee wadanka Suuriya.

Duuliyaha ayaa su’aalaha la weydiiyey waxaa ka mid ah waxa uu filayo inay ku sameyn doonaan ISIS, wuxuuna ku jawaabay inuu filayo in dhawaan la dili doono.

Duuliye Mucad Yusuf oo 26 jir ah ayaa weday diyaarad dagaal oo ah nuuca F16, waxaana diyaaradiisa lagu soo riday dalka Suuriya, kadibna diyaaradda ayuu uga booda baarashuud, waxaana qabtay dagaalyahanada ISIS.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!