ISIS oo toogatay 1700 arday oo dhiganayey kulliyadda ciidamada cirka Ciraaq

Tikrit – Mareeg.com: Laga soo bilaabo jimcihii tegay, waxaa warbaahinta dunidu baahisay sawirro muujinaya kooxda dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam (ISIS) oo tooganaya tobonaan dhallinyaro ah kadib markii ay dhul badan kala wareegeen dowladda Ciraaq.

Sawirrada ay markii hore ay soo bandhigeen ISIS ayaa ka yaabiyey dad badan oo dunida ku nool, maadaama ay ka muuqanayeen dhallinyaro farabadan oo xiran dhar rayid oo la tooganayo.

Hadaba ISIS ayaa shaacisay cidda ay ahaayeen dhallinyaradaas farahabadan ee ku laayeen magaalada Takrit.

Bog ISIS ay ku leeyihiin Twitter-ka oo loogu magacadaray Salaaxudiin ayaa lagu baahiyey in dadkaas la laayey ahaayeen 1700 (Kun iyo todobo boqol) oo ka mid ahaa ardayda Kulliyada ciidamada cirka ee magaalada Takrit.

Ardaydan ayaa la sheegay iney ahaayeen Shiico, waxaana lasoo bandhigay iyadoo gaadiid lagu sido iyo iyadoo koox koox loo tooganayo.

Sida bartaas lagu sheegay ardayda laga qabtay kulliyadda ciidamada cirka ee Tikrit ayaa gaarayey 2500 (Labo kun iyo shan boqol), hase ahaatee waxaa la cifiyey 800 (Sideed boqol) oo ka mid ah, kuwaasoo cafis ka helay hogaamiyaha ISIS, Abuubakr Al-baqdaadi.

ISIS ayaa dadka la cafiyey ugu yeertay Suniyiin diinta ka baxay. Ilaa hadda lama hayo warar madaxbanaan oo xaqiijinaya sida wax u dahceen.

Dalka Ciraaq waxaa dagaal xooga ku dhex marayaa Koosxda Suniyiinta ah ee loogu yeero “Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam ISIS” iyo dowladda uu hogaamiyo Raysulwasaare Nuuri Al-maaliki ee Shiicadu u badan tahay iyo maleeshiyaad Shiico ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245