ISIS oo qoorta ka jartay muwaadin u dhashay Japan & mid kale oo halis ku jira

Mareeg.com: Dagaalyahanada dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya (ISIS) ayaa gowracay muwaadin u dhashay dalk Japan, kaasoo ay heysteen isaga iyo mid kale.

Muwaadinka reer Japan ee ISIS madaxa ka jartay ayaa la oran jiray Harman Yukawa, wuxuuna ahaa la taliye amaan. Waxaa sidoo kale ISIS heysataa nin kale oo u dhashay Japan, kaasoo ahaa wariye, waxeyna ku hanjabeen in isna ay madaxa ka jari doonaan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa muujiyay caradiisa ka dhalatay fiidiyow dhowaan ay soo bandhigeen ururka ISIS oo ku saabsan lahaystayaal Japan u dhashay oo ay kooxda dishay.

Kooxaha sirdoonka dalalka Mareykanka iyo Japan oo baaritaan ku sameeyay fiidiyowga ayaa waxa ay sheegeen inuu la mid yahay kuwii horey ay u soo bandhigeen iyagoo dad kale dilaya.

Waxaa la sheegayaa in Haruna Yukawa, oo ahaa lataliye dhanka amniga ah in la dilay, halka lahaystaha kale oo ahaa weriye lagu magacaabo Kenji Goto uu weli nool yahay.

Mr Abe ayaa arrintan ku sheegay inay tahay mid dembi ah oo aan la aqbali karin. Waxa uu hoosta ka xariiqay in Japan aysan ka baqeynin mintidiinta Khilaafada Islaamka.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin beesha caalamka ee dhanka amniga iyo nabadda.

waxa uu sidoo kale qiray inay xoogga saari doonaan ka shaqeynta amniga muwaadiniinta Japan. Mr Abe ayaa xilli saqdhexe ah isugu yeemo golihiisa wasiirada si ay u yeeshaan kullan degdeg ah.

Mareykanka iyo Japan ayaa aad uga carooday falka ay ku kacday ISIS, waxaana muqaalka ay kooxdaasi soo dirtay ka muuqanaya wariye Kenji Goto oo ku dhegan meydka Haruna Yukawa.

Weriyaha ayaa kasoo muuqday Fiidyowga isagoo taagaya loox yar oo uu ka muuqdo meydka muwaadinka kale ee Japan oo la gowracay, islamarkaana hoos looga qoray erayo Carabi ah oo leh “Kusoo wareejiya walaashooda u xiran nidaamka Urdun, markaa si toos ayay ii sii deyn doonaan”.

Ururka ISIS ayaa horey u dalbatay madax furasho aad u badan si ay u sii daayaan la haystayaasha 2-da ah ee reer Japan, hase ahaatee dowladda dalkaas ayaa lacagtaas diiday, waxaana ka dhamaatay muddo 72 saac ah oo ISIS qabatay.

japan-3

Ma aha markii ugu horreysay ee ISIS madax goyso dad ajanabi ah, oo waxey horay u gowraceen muwaadiniin u kala dhashay Mareykanka iyo Britain.

Maareeg Media