ISIS oo la wareegtay labo ceel shidaal bartamaha Liibiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

ISIS oo la wareegtay labo ceel shidaal bartamaha Liibiya

Mareeg.com: Islaamiyiin xag jir ah ee ISIS Liibiya ayaa qabsaday laba goobood oo saliida laga qodo oo ku yaala bartamaha Libya, iyadoo kooxo iska soo horjeeda ay ku dagaalamayaan maamulka dalka.

Ilaalada goobaha saliida ee Al Bahi iyo Al Mabruk ayaa dib u gurtay ka dib markii ay rasaastu ka dhamaatay.

Xukuumadda uu caalamku aqoonsan yahay ee Libiya ee fadhgeedu yahay Tobruuk ayaa dagaal xoog leh kula jirta kooxo kale oo gacanta ku haya magaaladda caasumadda ah ee Tiribuli.

Laba dhanac ayaa midba midka kale weerar ka dhan ku qaaday maalintii talaadada.

Kooxahan xag jirka ah ayaa la wareegay Ceelasha saliida ee Al Bahi iyo Al Mabruk, waxayna hadda ku sii jeedaan oo ay doonayaan in ay qabsadaan Al Dhara ka dib markii ciidankii ilaalinayay ay dib u gurteen sida uu sheegay Kolonel Ali Al Hassi oo ah afhayeenka ciidamada Ilaaladda.

Qaramadda Midowbe ayaa isku dayeesa in dib u bilowdo wadaxaajoodka lagu soo afjarayo dagaalka ka howcaya dalka Libya wixii ka danbeeyay markii xukunka laga tuuray Kolonel Mucamar Al Qadafi sanadkii 2011dii.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!