ISIS oo ka dilaacday dalka Masar askar badanna leysay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

ISIS oo ka dilaacday dalka Masar askar badanna leysay

Mareeg.com: Kooxda dowladda Islaamiga ah ee loo yaqaano Daacish ama ISIS oo sheegatay weerar lagu laayey askar badan oo Masaari ah ayaa faahfaahisay sidii weerarkaas u dhacay.

Daacish oo markii hore lagu yaqaanay dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa u gudubtay Masar iyo Liibiya. Koox lagu magacaabi jiray Ansaaru Beyt Almuqaddas oo ka dagaalmi jirrtay gobolka Siinaa ee dalka Masar ayaa ku biirtay ISIS, waxaana kooxdaas loo bixiyey “Wilaayada Siinaa”.

ISIS ayaa sheegtay in weerarkaas ay u adeegsatay ilaa 100 nin oo dagaalama iyo 3 gaari oo laga buuxiyey ilaa 10 tan oo walxaha qarxa ah, ayna bartilmaameedsadeen saldhigyo iyo hotello ay ku sugnaayeen ciidamada milateriga, booliska iyo Nabadsugidda dalka Masar.

ISIS-ta Masar ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay ilaa 30 ka tirsan askarta Masar uu ahaa mid loogu aarayey sida ay sheegeen gabdho Muslimaat ah oo ku jira xabsiyada dalka Masar.

Afhayeen u hadlay milateriga Masar ayaa xaqiijiyey in weerarka loo adeegsaday gawaari miineysan iyo hoobiyaal, sidoo kalana raga weerarka soo qaaday iyo ciidamadu rasaas is dhaafsadeen.

Bayaan uu soo saaray milateriga dalka Masar ayaa lagu sheegay in ciidamadu sii labanlaabi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxdaan Islaamiga ah ee askarta badan leysay habeen hore.

Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Al-siisi oo soo gaabiyey socod uu ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in dalkiisu dagaal kula jiro koox qarsoodi tan ugu weyn caalamka oo qalabka ay ku dagaalamayaan iyo fakerkooduba uu aad qarsoodi u yahay.

Kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalami jirtay woqooyiga gobolka Siinaa ee dalka Masar ayaa u muuqata iney soo awoodeysaneyso, kadib markii ay ku biirtay ISIS.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!