ISIS oo jabsatay baraha Twitter iyo YouTube ee taliska ciidamada Mareykanka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

ISIS oo jabsatay baraha Twitter iyo YouTube ee taliska ciidamada Mareykanka

Mareeg.com: Koox ka tisan taageerayaasha Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaama (ISIS) ayaa jabsatay baraha Taliska ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Twitter-ka iyo YouTube-ka.

Kooxda jabsatay labadan barood ayaa ku qoray “Ciidamada Mareykankow waan idinku soo soconaa, wuuna socon doonaa Jihaadka ay waddo Khalaafada Islaamiga ah”.

Waxey sidoo kale ku qoreen barahaas “Annagu halkaan oo ah qalabkiina Computer-ka ayaan joognaa iyo saldhiga kasta”.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdaasi muddo 30 daqiiqo ah ay gacanta ku hayeen labadaas baroos, waxaana markii dambe barahaas xiray dowladda Mareykanka.

Jabsashadah baraha Bulshada ee Taliska Mareykanka ayaa kusoo beegmay xilli madaxweynaha dalkaas, Barach Obama uu doonayey inuu jeediyo khudbad ku saabsaan amaanka baraha Electronic-ga.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!