ISIS oo 45 ruux ku gubtay dalka Ciraaq

Read Time:40 Second

Mareeg.com: Sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan booliska dalka Ciraaq, kooxda Daacish ayaa 45 ruux oo nool ku gubay magaalada Albaqdaadi iyo galbeedka dalkaas.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Qaasim Al-cubeydi ayaan sheegin heybta dadkaas uu sheegay in dowladda Islaamiga ah ee loo yaqaano “Daacish” ay gubtay.

Magaalada Albaqdaadi ayaa todobaadkii hore waxaa la wareegay dagaalyahanada Daacish, waxeyna magaaladaas aad ugu dhowdahay saldhiga Ceynul Asad oo ay ku sugan yihiin saraakiil tababarayaal Mareykan ah oo la shaqeeya ciidanaka Ciraaq.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya warka uu sheegay sarkaalkan ka tirsan booliska dalka Ciraaq oo ay soo xigatay BBC, laanta Afka Carabiga.

Daacish ayaa horay nolol ugu gubtay duuliye u dhashay dalka Jordan, kaasoo la oran jiray Mucaad Al-kasasbeh, oo Daacish diyaaradiis soo riday, gacanta ku dhigtay isagoo nool.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.