Isimada Puntland Oo Ku Dhawaaqay Guddi Kormeera Doorashada Madaxweynaha Maamulka

Read Time:1 Minute, 33 Second

Garowe, Mareeg.com: Qaar ka mid ah Isimada deegaanada Puntland ayaa maanta shir uga furmay magaalada Garowe ee xarrunta maamulka Puntland, waxaana shikaas looga hadlayaa arrimaha doorashada iyo marxaladda kala guurka ah.

Shirka manta Garowe uga furmay Isimada Puntland ayaa la sheegay inuu soconayo ilaa ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha 8-da bisha Janaayo ee sanadka cusub ee soo socda.

Fadhiga isimada waxaa gudoomiye looga dhigay Suldaan Siciid Maxamed Garaase, wuxuna Suldaalka oo saxaafadda la hadlay sheegay shirkooda inuu yahay koodii ay yeelan jireen marka la galayo doorashada, ayna kaga arrisan doonaan muujinta doorkooda ku aan Isimadda ee doorashadda.

Wuxuu Suldaan Siciid sheegay in Isiimadu soo dhawaynayaan wadahalka ay dhowaan yeelan doonan madaxwyanaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha.

Isimada Puntland ayaa soo saaray ka kooban 6 qodob oo u qornaa sidatan:

1: Isimadu waxay go’aamiyeen fadhiga isimada inuu si joogta u socdo inta lagu jiro marxalada kala guurka.

2- Isimadda waxay soo dhawaynayaan inay wada kulmaan murashaxiinta iyo madaxwaynaha talada haye ee murashax ah, waxayna dhiiri galinayaan is-araga iyo wada hadalka murashaxiinta iyo madaxwaynaha.

3- Isiamdu waxay rajaynayaan kulanka murashaxiinta iyo madaxwaynaha inuu ku dhamaado is-afgarad iyo isi tanaasul iyo wixii dan ah dalka iyo dadka.

4- Isimadu waxay ugu baaqayaan umadda reer Puntland inay foogjinaadaan kana qayb qaataan amniga iyo xasiloonida si ay doorashadu noogu dhacdo jawi degan.

6- Isimadu waxay gudoomiyeen in la dhiso guddi isimo ah oo u xilsaaran kormeerka doorashada iyo xiriirka isimada isimada, isimada kalena marjac u yihiin ayna la gudoomin doonan wixii go’aamo ah, waxaana guddigaasi kala yihiin:

1- Islaan Ciise Islaan Maxamed Shir gudoon.
2- Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
3- Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin
4- Garaad Maxamed Cilmi Shirwac.
5- Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.
6- Garaad Cabdilaahi Cali Ciid
7- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan.
8- Boqor Cabdilaahi Axmed Cali.
9- Suldaan Muuse Koonte.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %