Isgaarsiinta degmada Cadaado oo hawada ka maqan

Mareeg.com: Waxaa saaka hawada laga waayey Isgaarsiinta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasoo habeenkii 2-aad oo xalay ku hoyday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa halkaas maalintii 3-aad u jooga sidii uu xal ugu heli muran ka taagan halka noqoneysa caasimadda maamulka gobollada Muqdug iyo Galgaduud, arrintaas dib u dhigtay furmitaanka shirka maamul u sameynta labadaas gobol.

Warar soo baxay ayaa sheegay in isgaarsiinta degmadaas loo jaray arrimo amaan, maadaama uu dheeraaday joogista madaxweynaha ee halkaas, welina khilaafka aan wax xal ah laga gaarin.

Mareeg Media oo la xiriirtay dad badan oo ku sugan degmada Cadaado ayaaney u suurtagelin iney hesho teleefoonadooda maadmaa ay hawada ka wada maqan yihiin.

Amaanka degmada Cadaado ayaa waxaa maalmahan sugayey ciidamo ka socda madaxtooyada Soomaaliya, kuwa AMISOM ee Itoobiya iyo kuwa maamulka Ximan iyo Xeeeb.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in Isgaarsiinta laga saaro hawada, iyadoo la ogyahay in madaxweynuhu waqti intaan la eg uu ku sugnaa Dhuusa Mareeb, xilligaasna aan Isgaarsiinta la jarin.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245