Isbitaalka xooga oo dib u dhis lagu bilaabau * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Isbitaalka xooga oo dib u dhis lagu bilaabau

Gaashaandhiga Soomaaliya Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dib u dhis lagu sameynayo Isbitaalka Xoogga dalka ee Magaalada Muqdisho.

 

Xafladda oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Madax ka socota Bankraft iyo UNOPS, waxaa ujeedkeedu uu ahaa dhameystirka Mashruuca dhismaha Isbitaalka Xoogga Dalka oo dowlada Talyaaniga ay balan-qaaday.

 

Waxaa halkaasi hadallo ka jeediyay Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo sheegay in Isbitaalka Xoogga Dalka uu yahay isbitaal taariikh weyn leh isla markaana Dowladda Talyaaniga ay weligeed taageeri jirtay.

car3

“Isbitaalka Xooga Dalka waxaan ka bilownay meel eber ah laakiin hadda waxaa ii muuqata rajo wanaagsan, waxaana Dowlada Talyaaniga aan ka rajeynayaa in si wanaagsan ay inoogu dhisi doonto” ayuu yiri wasiirka.

 

Madaxa Hogaanka Caafimaadka ee Ciidanka Xooga Dalka Jen Liibaan Xuseen Cismaan ayaa isna sheegay in Dowlada Talyaaniga ay uga mahad celinayaan sida ay u garab taagantahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

 

Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa u taariikh weyn ku leeyahay dalka, waxaa markii ugu horeysay dhisay dowladii kacaanka, hase ahaatee waxaa uu ku burburay dagaaladii kala duwanaa ee soo maray Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!