Meydad & Dhaawacyo Badan Oo Buux Dhaafiyay Isbitaalada Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Meydad & Dhaawacyo Badan Oo Buux Dhaafiyay Isbitaalada Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 120 Qof oo Meyd ah ayaa la sheegayaa in ay yaallaan Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho,dhaawaca intaas waa uu ka badanyahay.

Sidoo kale Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho waxaa la geeyay dhaawaca 127 Qof oo qaarkood la garan la’yahay,maamulka Isbitaalka ayaa soo bandhigay magacyada 127 Qof ee dhaawacooda uu yaallo Isbitaalka Digfeer,waxaana ay dalbanayaan in ehellada dadkaas ay Isbitaalka tagaan.

Isbitaallada kale ee Magaalada ayaa sidoo kale soo gudbinaya dad badan oo dhaawacyo iyo meyd ah oo Isbitaallada ay ku hayaan.

Dhallinyarada Magalaada Muqdisho ayaa ku qul qulaya Isbitaallada Magaalada Muqdisho si ay dhiig ugu yaboohaan,waxaana socda gurmad xooggan oo ay sameynayaan shacabka Muqdisho.

Isbitaallada ayaa codsanaya in dhiig lagu yabooho iyada oo keydka dhiiga ee Isbitaallada uu gabaabsi yahay,waxaana socda wali gurmadka ay sameynayaan dadweynaha Magaalada.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!