Isbitaalada aya ka howlgelayaan dhaqaatiirta ajnabiga oo kusii badanaya Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Isbitaalada aya ka howlgelayaan dhaqaatiirta ajnabiga oo kusii badanaya Muqdisho

Mareeg.com: Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan laga furay isbitaal casri ah oo lagu magacaabo – Muqdisho City Hosbital – kaasoo lagu daweyn doono cudurro fara badan oo mararkii hore dalka dibaddiisa loo aadi jiray.

City 2

Isbitaalkan ayaa ku yaalla degmada Hodan, gaar ahaan xaruntii dowladdii Carte waxaana ka howl-gala dhakhaatiir isugu jirta Somali iyo Ajaanib kuwaasoo ku takhasusay cudurro kala duwan; waxaana haatan isbitaalkaani uu qaabilaa bukaanno fara badan.

City 1

Agaasimaha Muqdisho City Hospital, Dr.Cabdulqaadir Axmed Yuusuf oo ka warramay sababaha keenay in isbitaal noocan oo kale ah ay ka furaan Muqdisho ayaa sheegey inay dhakhaatiir isbahaystay dareemeen in dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan sidii loola tacaali lahaa dhamaan cururada kala duwan ee dhibaatooyinka ku haya dadkeenna Soomaaliyeed.

“Muqdisho City Hosbital waxaa si gaar ah loogu daaweeyaa cudurrada kala ah; maqaarka iyo qurxinta jirka (Dermatology), Quruxinta Ilkaha iyo Afka (Dental), cudurrada  cunaha, sanka iyo dhegaha (ENT), Qaliinnada guud, xameetida, uur-ku-jirta iyo qanjirka kaadi haysta (Prostates). Dhalmada; cudurrada neerfaha, cudurrada carruurta iyo shaybaar casri ah,” ayuu yiri agaasimaha isbitaalka.

Waa markii ugu horreysay oo Muqdisho laga furo isbitaal casri ah oo lagu daaweynayo cudurro badan oo dhamaantood loo aadi jirey dalka dibaddiisa, wuxuuna isbitaalkani ka saacidi doonaa Somali badan inay dalkooda Hooyo ku helaan adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More