Isbaheysiga Carabta oo gentaalo hordhigay diyaarad Iran oo ku degi rabtay Sanca

Mareeg.com: Shalay diyaaradaha dagaalka Isbaheysiga ee uu Sacuudigu horkacayo ayaa duqeeyey dhabaha diyaaraha garoonka diyaaradaha Sanca, xilli ay ku degi tabtay diyaarad ka timid dhanka Iran.

Sida uu sheegay afhayeenka Isbaheysiga, Axmed Alcasiiri, diyaaradda Iran ayaa diiday iney qaadato awaamir uga timid isbaheysiga, taasina keentay in ka hor inta aysan caga dhigan garoonka duqeyn lala beegsado, ayna dib ugu laabtay halkii ay ka timid.

Axmed Alcasiiri ayaa tilmaamay in duuliyaha diyaaraddu uu iska dhegatiray digniino loo jeediyey, markii horana aan Isbaheysiga aan lala socodsiin duullimaadka diyaaraddaas.

Al-casiiri ayaa xusay in diyaraaddii ay shalay is horgtaageen tahay 3-aad ee ka timaadda dalka Iran, islamarkaana jebisa mamnuucidda adeegsiga hawada Yemen.

Wakaaladda wararka Iran ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Sacuudigu si qasab ah ku horjoogsadeen diyaarad Iran leedahay oo siday kaalmo, kuna degi rabtay garoonka Sanca.

Iiraaniyiinta ayaa xaqiijiyey in duuliyahoodu iska dhegatiray digniinaha diyaaradaha dagaalka Sacuudiga, iyagoo digniinahaas ku tilmaamay kuwa sharci aheyn.

Wakaaladda wararka Iran, waxey kaloo xustay in diyaaradaha Sacuudigu duqeeyeen garoonka Sanca, taasoo garoonka ka dhigtay meel aan diyaaradi ku degi karin, sidaas darteedna diyaaraddu dib ugu laabatay Iran.

Diyaaradda ayaa Iran leedahay “waxey taabacsan tahay Bisha Cas ee dalkaas, waxeyna sidday kaalmo cunno iyo dawo isugu jirta”.

Sacuudiga ayaa rumeysan in dalka Iran oo taageero milateri siiyo kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen, kuwaasoo ah Shiico, iyadoo dalka Iran yahay dalka Shiico ah.

Ugu dambeyntii, Iiraaniyiinta ayaa sheegay in diyaaradoodu fasax ka qaadatay dalka Cumaan oo ay soo dulmartay iyo Xuuthiyiinta oo maamulka garoonka diyaaradaha Sanca.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245