Isbaheysi Sacuudi horkacayo oo ku duulay Yemen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Isbaheysi Sacuudi horkacayo oo ku duulay Yemen

Sacuudi Carabiya ayaa gudaha Yemen ka billowday hawlgal milatari oo ay uga jawaabeyso baaqii madaxweynaha Yemen Cabdu-rabuuh Mansuur Haadi.

Qaraxyo ayaa laga soo sheegayaa in laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Sanca iyo garoonka ugu weyn ee ku yaala koonfurta.

Telefishin taageeraya maleeshiyaadka fallaagada Xuutiyiinta ayaa ugu baaqay hawlwadeenada caafimaadka in ay ka shaqo billaabaan cusbitaalada ku yaala magaalada Sanca.

Safiirka Sucuudiga u fadhiya Mareykanka, Caadil Al-jubeyr ayaa sheegay in iyaga iyo golaha ay xulafada yihiin ee iskaashiga khaliijka ay wadaan duqeymo lagu taageeraya dowladda sharciga ah ee Yemen isla markaana looga hortagayo in fallaagadu ay dalka la wareegaan.

“Howlgalku wuxuu hadda ku koobanyahay duqeymo xagga cirka ah, hase ahaatee ciidamada kale waxey ku jiraan diyaar garow, waxaana qaadi doonaa tilaabo kasta ee qasab” ayuu yiri dajinre Caadil Al-jubeyr.

“Weerada cirka ah waa kuwa lagu difaacayo xukuumadda harciga ah ee Yemen ee ay soo weerareen kooxda Xuuthiyiinta ee debadda laga taageerayo” ayuu sidoo kale Aljubeyr.

Garoon diyaaradeed oo milaterigu leeyahay oo lagu magacaabo Aldeylami oo ku yaalla Sanca ayaa gebi ahaanba lagu burburriyey duqeynta Sacuudigu qaaday.

Sacuudiga waxaa howlgalkaas kula jira 10 dal oo ay ka mid yihiin:- Imaaraadka Carabta, Qatar, Baxreyn, Kuweyt, Masar iyo dalal kale.

Aqalka Cad ee mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in madaxweyne Obama uu amar ku bixiyay in hawlgalkaasi Sucuudiga hormuudka ka yahay laga taageero dhanka saadka iyo mukhaabaraadka.

Warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegtay in xukumadda Riyaad ay hawada dalka Yemen ka dhigeyso meel duulimaadyada ka caagan, waxa ayna maraakiibta uga digtay in ay ku soo dhawaadaan dekadaha Yemen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!