Isbahaysiga CORD oo Madaxweyne Obaama kala hadlaya sidii Ciiddanka Kenya looga soo saari lahaa Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Isbahaysiga CORD oo Madaxweyne Obaama kala hadlaya sidii Ciiddanka Kenya looga soo saari lahaa Somalia

adaxweyne Barack Obama oo haatan booqasho ku jooga Nairobi ayaa lagu wadaa inuu xubno ka tirsan Isbahaysiga Mucaaradka Kenya ee CORD la kulmo.

Hadal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay inuu Obama la kulmi doono afar xubnood oo ka tirsan Isbahaysigaasi oo uu hoggaamiyo Raila Odinga.

Kulankooda ayaa qaaadan doono muddo 45 daqiiqo oo keliya, waxaana la hadal-hayaa inay Madaxweyne Obama u gudbin doonaan qorshahooda ku aadan Ammaanka, La-dagaalanka Alshabaab iyo sidii Ciiddanka Kenya looga soo saari lahaa gudaha dalka Somalia.

Afarta xubnood ee Isbahaysiga CORD ee la kulmi doona Madaxweynaha Maraykanka ayaa kala ah:- Raila Odinga, Kalonzo Musyooko, Moses Wetangula iyo Hoggaamiyaha Xisbiga NARC, Martha Karya.

Dhinaca kale, Isbahaysiga CORD waxat soo saareen War-saxaafadeed ay ku soo dhaweeyeen booqashadda Madaxweyne Obama iyo Taageeradda ay Dowladda Maraykanka la garab taagan yihiin Kenya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!