Isbaarooyin Joojiyey Shaqadii Gaadiidka Dadweynaha Ee Muqdisho & Afgooye (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Isbaarooyin Joojiyey Shaqadii Gaadiidka Dadweynaha Ee Muqdisho & Afgooye (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: Gaaddiley farabadan oo ka shaqeeya wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa maanta sameeyey debadbax Isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidleyda ayaa ka cabanayay isbaarooyinka xad dhaafka ah ee la soo dhigay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyo dhibaatooyin kooxaha isbaarada dhigta u geysnayaan gaadiidleyda.

Gaadiidleyda ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada inay wax ka qabtaan dhibaatada isbaaradu ku heyso, iyadoo kooxaha isbaarada dhiganaya yihiin ciidamada dowladda.

Dowladda Soomaaliya yaa dhowr jeer oo hore isku dayday iney baabi’iso isbaarooyinka, hase ahaatee wey ku guuldareystay.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.