Iran oo Duqeysay Saldhigyo uu Mareykanka leeyahay

Read Time:48 Second

Wasaaradda difaaca ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in laba saldhig oo ay ku leeyihiin gudaha dalka Ciraaq lagu weeraray gantaalo, madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaana sheegay in xaaladda ay wanaagsan tahay, saldhigyo Mareykanka uu leeyahayna la weeraray, qiimeynna ay ku wadaan sida ay wax u dhaceen, dibna ay kasoo sheegi doonaan warbixin ku saabsan.

Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay weerartay saldhigyo uu ku leeyahay Irbil iyo Al Asad ee ku yaala gudaha dalka Ciraaq. Ilaa iyo hadda ma cadda in uu jiro khasaare ka dhashay weerarkaas iyo haddii uu jiro inta uu la eg yahay.

“Waan ka war heynaa weerarka lagu qaaday saldhigyadeena dalka Ciraaq, madaxweynaha waa lagu wargeliyay arrintan, si dhaw ayuuna ula socdaa oo wuxuu darsayaa xaaladda isagoo latashanaya lataliyeyaashiisa dhanka ammaanka”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka.

Telefishenka Dowladda Iran ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday saldhigyada Mareykanka uu ahaa mid loogu aargudayay dilka Qasem Suleimani oo shalay la aasay.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %