Iran oo daldashay haweeney dishay nin kufsan rabay! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Iran oo daldashay haweeney dishay nin kufsan rabay!

Dowladda Iran ayaa daldashay haweeney la sheegay in ay dishay nin doonayay in uu kufsado. Haweeneydan ayaa lagu eedeeyey iney toorrey sanadkii 2007 sarkaal ka tirsanaan sirdoonka Iran, kaasoo la sheegay inuu kufsan rabay.

Reyhane Jabbari oo 26 sano jir ahayd, ayaa caan ka noqotay Iran iyo caalamkaba, kaddib markii ay dadka isticmaalla barta bulshada kuwada xiriirto ee twitter-ka, ay bilaabeen olole lagu doonayo in lagu badbaadiyo. Balse dowladda Iran waa ay diiday in ay cafiso gabadhaasi.

Reyhane Jabbari ayaa la xiray sanadkii 2007-dii, kaddib markii lagu eedeeyay in ay dishay nin u shaqeyn jiray wasaaradda mukhaabaraadka ee Iran.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in haweeneydan ay qiratay in ay ninka toori ka galisay dhabarka, balse qolka uu falka ka dhacay uu ku sugnaa qof kale oo dhamaystiray dilka.

Amnesty ayaa intaa ku dartay in dowladda Iran aanay baaritaan dhab ah ku sameyn macluumaadka ay bixisay Reyhane Jabbari ee ku aaddan cidda sida dhabta ah uga dambeysay dilka ninka ka tirsan wasaaradda mukhaabaraadka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.