Iran oo dacweyneysa boqortooyada Sacuudi Carabiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Iran oo dacweyneysa boqortooyada Sacuudi Carabiya

Dowladda Iran ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u gudbin doono dacwad ku aaddan duqeyn ay sheegtay in diyaaradaha Sacuudiga ay u geysteen safaaradeeda ku taalla caasimadda Yemen ee Sanca.

Warbaahinta qaranka ee Iran ayaa sheegtay in firir gantaal uu ku dhacay gidaarka safaarada, ayna ku dhaawacmeen dhowr ka mid ah shaqaalihii halkaasi ku sugnaa.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in duqeyn culus loo geystay agagaarka safaarada, balse aanay muuqan wax burbur ah oo dhismaha soo gaaray.

Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa beeniyay in ay safaarada bartilmaameedsadeen ama ay duqeeyeen deegaannada ku dhow.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu meel xun marayo khilaafka diblomaasi ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Iran.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!