Iran Iyo Kooxda Lixda Ah Oo Heshiis Ku Gaaray Dalka Switzerland

Read Time:1 Minute, 26 Second

Geneva, Mareeg.com: Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo kooxda dalalka 6-da ah ee la sheego iney dunida ugu awood roonyihiin ayaa heshiis ku gaaray caasimadda dalka Switzerland ee Geneva.

Heshiiskaan ayaa waxyaabaha uu dhigayo waxaa ka mid ah in dalka Iran laga khafiifiyo cunaqabateyntii horay loogu soo rogay, islamarkaana aan la saarin cunaqabateyn horleh.

Sidoo kale, heshiiskaan ayaa dhigaya in dalka Iran uusan sameysan Karin hubka Nugleyrka, taasoo ay aad u doonayeen dalalka reer galbeedka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barach Obama oo heshiiskaan ka hadlay ayaa ku tilmaamay mid bilow u ah tilaabo qaab nabadeed loogu xallinayo barnaamjika Nugleerka ee dalka Iran.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in heshiiskan lagu dhaqangelinayo muddo 6 bilood ah, islamarkaana Iran laga khafiifinayo cunaqabateynta saarneyd wax la eg ilaa $7 Bilyan oo dollarka Mareykanka, cunaqabateyn cusubna aan lagu soo rogi doonin.

Dalka Faransiiska oo heshiikaan ka hadlay ayaa isaguna ku tilmamay tilaabo muhiim u ah nabadda iyo amaanka, hase ahaatee loo baahan yahay in la fuliyo. Faransiiska ayaa xaqiijiyey in Iran xaq u leedahay barnaamij Nugleer oo ah mid nabadeed.

Madaxa siyaasada iyo arrimaha dibada Midowga Yurub Catherine Ashton ayaa ku tilmaamtay heshiiskan la gaaray bilowga heshiis ballaaran oo laga gaaro arrimaha Nugleerka Iiraan.

Iran oo heshiiskaan kadib hadashaya ayaa wasiirkeeda arrimaha debadda Muxamed Jawaad Dariif sheegay in Iran xaq u leedahay bacriminta barnaamijkeeda Nucleerka ee nabadeed ayna soo wadi doonto.

Heshiskaan ayaa lagu sheegay mid horudhac ah, hase ahaatee u gogol xaaraya heshiis guud, iyadoo arintaan timid kadib markii dhawaan xilka madaxtimada dalkaas la wareegay madaxweyne Xasan Ruuxani oo aqbalay inuu reer galbeedka wadahal la galo.

Dowladaha Mareykanka, Britain, France, China, Rasia iyo Germany ayaa muddo wadahadal kula jiraqy dalka Iran si ay u joojiso barnaamijkeeda Nugleerka.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %