Internetka Mobileka Oo Laga Waayey Qaar Ka Mid Ah Magaalooyinka Alshabaab Maamulaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Internetka Mobileka Oo Laga Waayey Qaar Ka Mid Ah Magaalooyinka Alshabaab Maamulaan

Buulo Burte- Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay la waayey Internet-ka laga isticmaalo mobile-da gacanta, iyadoo horay Alshabaab usoo saareen amarka ay ku mamnuucayaan Mobile Internet iyo Fiber Optic.

Qaar ka mid ah magaalooyinka ay maamulaan Al-Shabaab ayaa laga waayey Internet Mobelka, iyadoo dadka deeganadaasi ay sheegayaan inuusan gabi ahaanba Internet-ka Mobile-ku uusan shaqeyneyn.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool Degmooyinka Buulo-burte, Halgan, Maxaas, Jalalaqsi iyo degmooyin kale oo ka tirsan deegaannada Gobolka Hiiraan ay kaga sugan tahay Al-Shabaab ayaa sheegay in xalay fiidkii laga jaray khadadkii Internet-ka.

Dhan kale, dadka ku sugan degmada Baraawe, ayaa laga soo xoigtay in uu si toos ah ugo’ay khadka mobile Internet.

Ma jiro wax war ah oo kazoo baxay shirkadaha ISgaarsiinta ee bixiya Internet-ka, iyadoo dowladda Soomaaliya horay ugu hanjbtay shirkadaha ineysan xirin adeega Internet-ka.

Al-Shabaab ayaa 8-dii bishaan Janaayo 2014 shirkadaha Isgaarsiinta ku amray iney joojiyaan adeega Internet Mobile iyo adeega Fiber Optic, waxeyna shirkadaha u qabteen 15 maalmood ay ku joojinayaan adeegaas, mudadaas oo berri ku eg.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!