Inj. Yariisow oo la sheegayo inuu is casilay

Read Time:38 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Afhayeenkii madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ahaa la taliye sare Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Yariisow) ayaa la sheegay inuu xilkaas iska xasilay shalay, kadib muddo sanad ah oo uu xilkaas hayey.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheega in Inj. Yariisow uu xilkaas iska casilay, inkastoo aan la weli la ogeyn sababta keentay inuu xilkaas isaga tago. Waxaa jira warar sheegay in Inj. Yariisow doonayo in loo magacaabo xil kale.

Inj. Yariisow ayaa horey ula soo shaqeeyey xukuumadihii KMG ahaa ahaa ee Soomaaliya, isagoo lasoo shaqeeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shiikh Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu xukuumadda laba jeer ka noqdey wasiirka lacagta iyo wasiirka warfaafinta, halka xukuumaddii u danbeysey ee KMG aheyd ee uu hoggaaminaayey Cabdiwerli Cali Gaas uu ahaa afhayeenka xukuumadda ahna la taliye sare.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.