Inj. Yariisow Oo Ka Hadlay Warar Laga Faafiyey Xaaladda Madaxweynaha Soomaaliya

Read Time:57 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa beeniyey warar laga faafiyey xaaladda madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maanta ayaa waxaa Muqdisho lagu faafiyey warar kutirikuteen ah oo sheegaya in xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan oo dalka Trukiga baaris caafimaad u aaday ay liidato ama uu galay xaalad intaas ka fog.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in Xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay mid hagaagsan, waxaa uuna wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in madaxweynaha xaaladiisa caafimaad halis tahay.

Eng. Yariisow ayaa qoraal kooban oo afka Ingiriiska ku qoran ku faafiyay barta uu ku leeyahay Facebook-ga, wuxuuna ku yiri sidan:

“Somalia President is well and never had any health problem or concerns. It is impossible for us to comment deliberate misleading information that is not true at all.”

“Madaxweynaha Soomaaliya wuu wanaagsan yahay, mana jiraan culeys caafimaad iyo walaac, suurgalna inooma ah inaan faallo ka bixnino wararka marin habaabinta ah ee aan marna runta aheyn” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan dalka Turkiga loogu qaaday baaritaan caafimaad oo guud, waxaana wararkaan soo baxeen xilli uu ku maqan yahay dalka Turkiga.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.