Indha-Cadde: Xiriir ayaa ka dhaxeeya Maamulka Soomaaliland iyo Al Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Indha-Cadde: Xiriir ayaa ka dhaxeeya Maamulka Soomaaliland iyo Al Shabaab

Muqdisho (Mareeg)—Janaraal Yuusuf Indha-Cadde oo la hadlay Idaacadda maxali ah ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Soomaaliland iyo Xarakada Al Shabaab uu xiriir ka dhaxeeyo, islamarkaana Soomaliland ay ka dambeyso Dagaalada ka dhacay Degaanada ka tirsan Maamulka Puntland, sida uu hadalka u yiri.

Isagoo sii hadlaya Janaraalka waxuu intaasi ku daray in loo midoobo la Dagaalanka Al Shabaab meelwalba oo ay ku sugan yihiin, waxaa uuna ku tilmaamay Al Shabaab in ay yihiin cadowga Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Sheekh Yuusuf Indha-Cadde ayaa waxuu hoosta ka xariiqay in Maamulada Puntland iyo Galmudug looga baahan yahay in meel ay iska dhigeen Murunka Siyaasadeed ee salka ku haya dhanka soohdinta kala aragti duwanaanasha u dhaxeysa nuuca doorasho ee Dalka ka dhaceysa.

Hadalka Janaraal Indha-Cadde ayaa waxuu imaanayaa Xili muddooyinkii dambe ay ka socdeen Dagaallo u dhaxeeya Militariga Puntland iyo Al Shabaab Degaanno ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Nugaal ee Maamulka Puntland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!