Indha Cadde '' Waxaan Bur burin doonaa Dhulkana la simayaa Guryaha Sheekh Cali Dheere Muqdisho kuleeyahay'' * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Indha Cadde ” Waxaan Bur burin doonaa Dhulkana la simayaa Guryaha Sheekh Cali Dheere Muqdisho kuleeyahay”

Mareeg.com- Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo kamid ah Sharaakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa guri uu ku leeyahay Degmada Yqashiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhawaan lagu xiray miino bur burisay.Yuusuf Indha Cadde ayaa ku eedeeyay Qraaxaasiin Al-Shabaab ka dambeeyeen waxa uuna sheegay in uusan dhib ku heyn in gurigiisa la qarxiyo taasina xoojin doonto dagaalka uu kula jiro Xarakada Al-Shabaab .” Aniga iyo AL-Shabaab Degmada Yaqshiid mid ayaa u hari doono , dagaal ayaana naga dhaxeeya , aragti ayaana ku dilayaa ruuxii shabaab ah oo gacanteeda soo galo ” ayuu yiri Sheekh Indha Cadde.Jeneraal Yuusuf Indha Cadde ayaa sidoo kale ku hanjabay in uu bur burin doono dhulkana la simi doono guryaha ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho saraakiisha Xarakada Al-Shabaab.” Guryaha Muqdisho ugu yaala Raga Hogaamiya Al-Shabaab sida Cali Dheere Dhulka ayaan la simayaa waxaana galin doonaan katarabiil ” ayuu ku hanjabay Yuusif Maxamed Siyaad Indha Cadde.Hanjabaada kasoo yeertay Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa imaaneysa xili Habeen kahor guri uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho lagu xiray Miino taa oo bur burisay qeybo kamid ah gurigaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.