Indha Cadde oo baaq u diray Dowladda Somalia

Read Time:45 Second

Janeraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade)  ayaa waxaa ka hadlay cabashada maal mahan ka soo yeeraysay ciidamada xoogga dalka, kaasi oo ku aadan in wax mushaar ah aysan qaadan.

Waxaa uu sheegay Janeraal Indha Cade in Ciidamada aan Afar Bilood la siin mushaar iyo raashin ee ka soo baxay furumaha dagaalka ay tahay dhibaato horleh oo soo korortay, hayeeshee ay u baahan tahay in laga gudbo.

Sidoo kale Janeraal Indha Cade ayaa waxa uu madaxda dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabato cabashada ka soo yeertay ciidamada Xoogga dalka, isagoona fariin u diray ciidamada xoogga waxaa uuna ka dalbaday inay dib ugu laabtaan furumahooda dagaalka.

Maalmahan ayaa waxaa jiray Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga Dalka oo ka cabanaayay Mushaar la’aan, kuwaasi oo soo baneeyay qaar ka mid ah furumaha dagaalka.

Ciidan mushaar la’aan ka cabanaayay ayaa isaga soo baxay deegaaano ka tirsan Gobalada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.