In ka badan 50 dhalinyaro ah oo lagu xiray Magaalada laas-caanood

Read Time:38 Second

Wararka aan ka heleyno Magaalada laas-caanood ee Gobolka Sool ayaa waxa ay ku Waramayan in halkaas lagu xiray tiro dhalinyaro ah .

Dhalinyarada Magaalada laas-caanood lagu xiray ayaa waxaa la sheegay in ay xabsiga dhigeen Ciidamada maamulka Soomaaliland,waxaana tiradooda ay gareeysaa ilaa iyo in ka badan 50 Dhalinyaro ah.

Dadka deegaanka laas-caanood ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada maamulka Soomaaliland maalmihii la soo dhaafay ay wadeen xir xiritaanka Dhalinyarada ku sugan Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool .

Dhinaca kale waxaa si weyn uga soo horjeestay  xir xiritaanka Dhalinyaradan Duqa Magaalada laas-caanood ee Puntland Cabdi Qani Maqtal,waxa uu sheegay in Shacabka ku dhaqan Magaalada ay dhibaato ba’an ku hayaan Ciidamada Soomaaliland ayna xireen in ka badan 50 dhalinyaro ah oo ku sugnaa Magaalada.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %