In ka badan 17-askari oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

In ka badan 17-askari oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

17-askari ayaa lagu dilay dagaal xalay saqdii dhexe ka dhacay xaruntii Akadeemiyada ee duleedka Kismaayo, halkaasoo saldhig u ahaa Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xerada, waxaana halkaas ka dhacay dagaal socday muddo saddex saacadood.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaas ay ku dishay ilaa 17 askari, isla markaana hub iyo saanad ku qabsatay dagaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in khasaaraha dagaalka uu gaarayo labaatan dhimasho oo labada dhinac ah, iyadoo dhaawacyo badan ay jiraan.

Taliyaha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in weerarkaas ay kaga dhinteen todobo askari, halka Shabaab kaga dileen tobaneeyo dagaalyahan, waxaa uu beeniyay in xerada ay la wareegeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, isla markaana Shabaabka ay doonayeen sidii weerarkii Leego oo kale.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku qaadayay xeryaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!