Imisa lacag ah ayaa dowladda Soomaaliya mushaar ahaan u siisaa macalimiinta? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Imisa lacag ah ayaa dowladda Soomaaliya mushaar ahaan u siisaa macalimiinta?

Mareeg.com: Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Ciise Maxamed Axmed “Guraase” ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha wasaaraddu ay dib ugu habeynayso wax barashada, diyaarinta manhajka waxbarasho ee dalka, iyo barnaamijka aada dugsiyada.

Wuxuu sheegay wasiirku in dowladdu dhaqan gelineyso manhaj mideysan oo lagu dhigayo dhamaan dugsiyada dalka Soomaaliya, kaasoo sanadkii hore dib u dhac ku yimid.

Wasiirka wuxuu xusay in aqoonyahanno Soomaaliyeed oo dalka iyo dibadda ka kala yimid ay diyaariyeen manhajka oo uu sheegay in uu u arko kii ugu wanaagsanaa oo ay Soomaali leedahay.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirto waxbarasho yaro, isagoo xusay in carruta dugsiyada ay aad u yaryihiin, islamarkaana ay fara badan yihiin kuwa aan wax baran, arrintaas ay sabab u tahay dhaqaale xumada heysata dadka iyo gobollada qaar oo aan degnaasho ka jirin.

Halkaan ka dhegeyso codka wasiir Gusraase

Wasiirka ayaa sidoo kale ha hadlay mushaarka ay qaataan macalliniinta ka shaqeeya Iskuullada hoostaga dowladda ee uu ka socda Barnaamijka “Aada Dugsiyada”.

“Makii la sameynayey Aada dugsiyada ayaa lagu ballamay in dowladdu macalinka siiso $100 dollar, hay’aduhuna bixyaan $100 dollar, marka barnaaminkaas kama fulin dhanka dowladda” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Ciise Guraase.

Wasiirka ayaa qoray in dowladdu markii hore ka gaabisay socod siinta barnaamijka “Aada Dugsiyada”, iyadoo arrintaasi keentay in dhowr jeer ay debadbax dhigaan macallimiinta iyo ardayda “Aada Dugsiyada”.

“Anigu markaan imid waxaan la kulmay dib u dhac, markii aan madaxweynaha iyo R/wasaaraha la kulmay si deg deg ayay arrintaas wax uga qabteen, hadda macallimiinta mushaarkoodii waa la wada siiyey, macallinku wuxuu hadda qaataa $200 dollar” ayuu sidoo kale yiri Wasiir Guraase.

Ciise Maxamed Axmed ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in mashruucii Aada Dugsiyada oo dardar ku billowday uu iminka socdo, wuxuuna xusay in ilaa  haatan ay u diiwaangashan yihiin wasaaradda 36 kun oo arday oo si lacag la’aan ah wax ku barta.

Waxaa su’aal mudan in la ais weydiiyo sababta keentay in xilligaan dowladdu macalinka Soomaaliyeed siiso lacag $200 dollar oo kaliya ah, halka shaqaalaha dowladda bil kasta la siiyo lacaga u dhaxeysa $400 ilaa $1000 iyo wixii ka sareeya.

Mareeg Media          

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!