Mareeg.com: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay tirada ay noqon doonaan xubnaha xukuumadda uu soo dhisi doono, wuxuuna sheegay inuu soo dhisayo gole wasiirro oo 25 ka kooban iyo wasiir ku-xigeennadooda.
RW Cumar ayaa sheegay in xukuumadda uu soo dhisayo ay xoogga saarayso sugidda amniga, dhismaha ciidamada iyo sidii lagu heli lahaa xasillooni siyaasadeed.
Cumar C/rashiid ayaa xusay in xubnaha uu u soo xulanayo wasiirrada inay noqon doonaan kuwo awood u leh howlaha laga dhowrayo, wuxuuna intaas ku daray inay howsha u taalla dowladda kusoo gaba-gabeyn doonaa mudada u harsan dowladda hadda jirta.
“Xukuumadda aan soo dhisayo waxay ka koobnaan doontaa 25 wasiir iyo ku-xigeennadooda, cid walba way istaahishaa in wasiir laga dhigo, balse in kooban ayaa wasiirro noqonaysa, waxaana codsanayaa in lala shaqeeyo,” ayuu hadalkiusa ku daray Sharma’arke.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha cusub ayaa sheegay in golihiisa wasiirrada ay noqon doonaan kuwo isku dheelli-tiran, inkastoo uusan sheegin inay isugu jiri doonaan rag iyo dumar iyo in kale.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.