Imaraadka Carabta Oo Gaadiid Ciidan & Mid Adeeg Ugu Deeqay Dowladda Federaalka Soomaaliya (Sawirro)

Read Time:1 Minute, 46 Second

Gaadiid_iyo_Dhar_ku_deeqay_<a href=Damdamis

Gaadiid aan rasaastu karin3″ width=”250″ height=”184″ class=”alignnone size-medium wp-image-2104″ />Muqdisho, Mareeg.com: Dowladda Imaaradka Carabta ayaa gaaadiid gaadiid iyo dereeska ciidamada ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya.

10 gaari oo kuwa ciidamada ah 4 gaari oo ah kuwa madaxda ay kusocdaan oo aan xabaduhu kareyn, 2 da-b damis, 1 ambalaas iyo 5 kun oo dareeska ciidamada ah ayey dowlada Imaaraadka Carabtu ugu deeqday dowlada Soomaaliya.

Dalka Imaaradka Carabta usoo wakiilatay inuu deeqdaasi dowladda Soomaaliya gaarsiiyo safiirka u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Cismaan, iyadoo uu kala wareegay Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed.

Munaasabado agabkaasi lagula kala wareegayay ayaa waxa ay kakala dhaceen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Dekada Muqdisho iyo xarunta safaarada Imaaraadka ee Soomaaliya ay ku leedahay, waxaana goob joog ka ahaa munaasabadahaasi uu Wasiirka Arrimaha gudaha ugala wareegayay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya, Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakii ka tirsan ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugida,

C/kariim Xuseen Guuleed ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay deeqdan isugu jirta gaadiidka iyo dareeska Ciidamada, waxa uuna tilmaamay inay wax badan ku soo kordhin doonaan sugidda ammaanka dalka.

“Deeqdaan waxa tahay mid sare u qaadayso sugidda amniga, aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaya sida madaxda Imaaraadka ay u daneyneyso nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed.

Danjiraha Dowlada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya u fadhiya Maxamed Cusmaan ayaa ka hadlay isna deeqda ay dowladiisu ugu talagashay Dowladda Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta amniga dalka, isagoo xusay in ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa 10 gaari ee tiknakada ah labada dabdamis halka ambalaas iyo dareeska ciidamadaa ku kala wareejiayay agaasimaha hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka iyo saraakiisha ciidamada booliska ee goob joog ka ka ahaa munaasabada ay dowlada imaaraadka ugu wareejineysay dowlad soomaaliya deeqda ay ugu tala gashay, iyadoo 4-ta gawaari ee kuwa madaxda ahna ay Wasaaraddu la wareegtay.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha taageera dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna horay dalka usoo gaarsiiyey deeqo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %