Imaaraadka oo xayiraadda ka qaadaya xoolaha Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Imaaraadka oo xayiraadda ka qaadaya xoolaha Soomaaliya

Wasiirka xannaanada xoolaha Soomaaliya Siciid xuseen Ciid iyo safiirka soomaliya u fadhiya waddanka isutagga imaaraadka carabta Cabdiqaadir Shiikh ayaa ka qayb galay shir looga hadlayay sidii xayiraadda looga qaadi lahaa dhoofka xoolaha Soomaaliya.

Wasiirka xanaanada xoolaha , deegaanka iyo kaluumaysiga ee waddanka Imaaraatka Dr.Thani bin Ahmed alzeyoudi,oo kulanka guddoominayay ayaa sheegay in ganacsiga labada dal uu yahay mid muddo dheer soo jiray,haatann loo baahan yahay in lasii kobciyo,gaar ahaan xoolaha nool oo uu ku tilmaamay laf dhabarta dhaqaalaha.

Maareeyaha guud ee maxjarka Boosaaso Maxamed Faarax iyo wasiirkii hore ee ganacsiga Puntland Cabdi-samad Yuusuf Maxamed oo ka mid ahaa wakiillada maamul-kaasi,ayaa sheegay inuusan jirin wax lagaga shakiyo xoolaha Soomaaliya, iyagoo xusay inay si weyn u hubiyaan caafimaadka guud ee xoolaha halkaasi ka dhoofa.

Masuuliyiinta dowladda isu tagga imaraadlka carabta ee shirkaasi ka qayb gashay ayaa ballan qaadday inay sida ugu dhaqsiyaha badan xannibaadda ugu qaadi doonaan xoolaha ka iman jiray Soomaaliya,oo saddex bilood ka hor ay joojisay Imaaraadka carabta.

Tan iyo markii ay hoos u dhaceen dhaq-dhaqaayadii burcad badeedda Soomaaliya waxaa dib u soo noolaaday dhiirri gelintii ganacsiga labada dhinac,iyadoo ay Soomaaliya iyo Imaaraadkuna yihiin kuwo uu ka dhexeeyo xiriir xagga baayac mushtarka ah oo aad u qoto dheer,kaasoo kaalin weyn kaga jira kobcinta dhaqaalaha labada waddan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!