Imaaraadka Carabta oo Gaadiid ciidan ugu deeqday Ciidamada Booliska Soomaaliya  * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Imaaraadka Carabta oo Gaadiid ciidan ugu deeqday Ciidamada Booliska Soomaaliya 

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejisay Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya Gaadiid ciidan, booyadaha biyaha qaada iyo qalab kale oo loogu tala galay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Gaadiidkan oo ah kuwa gaashaaman ayaa waxaa loogu tala galay in lagu xoojiyo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho lagu gaadiidka-3soo bandhigay gaadiidkaas.

Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Xumaadi ayaa sheegay in gaadiidkani ciidan ay ugu talo galeen in lagu horumariyo howlaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay ka wadaan dalka ee la xiriirta xaqiijinta ammaanka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa isna sheegay in qalabkan lagu xoojinayo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyay Dowladda Imaaraadka agabkan ay ugu deeqday Ciidamada Booliska.

gaadiidka-8

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin kaalmada Dowladda imaaraadka carabta ay siineyso Soomaaliya, isla markaana Walaalaha imaaraadka Carabta ay ugu mahadcelinayaan caawimaada ay caawisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Dhowaan ayay aheyd markii Imaaraadka Carabta ay ku wareejisay Maamulka Jubba gaadiid gaashaaman iyo gaadiid kale, waxaana deeqdaas ay aheyd tii u horeysay oo dhinaca milateriga ah oo ay Imaaraadka siiyaan Maamulkaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!