Imaaraadka Carabta Oo Adeegyo Bulsho Ka Hirgelinaya Degmooyin Alshabaab Laga Saaray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Imaaraadka Carabta Oo Adeegyo Bulsho Ka Hirgelinaya Degmooyin Alshabaab Laga Saaray

Muqdisho – Mareeg.com: Dalka Imaaraadka Carabta ayaa adeegayo kala duwan ka fulinaya ilaa 10 degmo oo ka mid ah kuwa laga saaray Alshabaab, iyadoo qroshahaan yahay mid Imaaraadku ku taageerayo dowladda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Maxamed Al-Cusmaani ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre, kulankaasi oo ka dhacay xarunta Villa Hargaysa ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Cusub Cabdulaahi Goodax Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhamaan Degmooyinka Shabaab lagala wareegay laga hirgelinayo adeegyo kala duwan sida xarumaha Degmooyinka, saldhigyada booliska, xarrumo caafimaad, goobo dhalinyarada ay ku ciyaaraan kubadda cagta iyo sidoo kale iskuulada waxbarashada.

Wuxuu kaloo sheegay Wasiirka in adeegyada dhanka caafimaadka ah ay ka hirgelin doonaan dhamaan Degmooyinka Shabaab laga saaray, tallaabadaasina isla maanta lagu dhaqaaqayo oo 10-Degmo laga hirgelinayo.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in kaalmadani tahay qeyb yar oo ka mid ah taageerada Imaaraadku siiyo Soomaaliya, wuxuuna xusay in dalkaasi meelo kala duwan oo dalka ah ka fuliyey mashaariic dhowr ah.

Safiirka dalka Isuga Imaaraadka Carabta oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa carabaabay in mashaariicdan ay maanta si rasmi ah uga bilaabeen degmooyinka Afgooye iyo Baydhao lana gaarsiin doono ilaa saddeex degmo oo kale, waxa uu xusay in qorsha fulinta maashaariicdan in ay wadajir ugu heshiisyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Qorshahaan ayaa waxaa maalgelinaayo Imaaraadka carabta, sida uu sheegay safiirka Imaaraadka carabta ufadhiya Muqdisho oo shirka jaraa’id ka sheegay in qarashka ku bixiya adeegyadaan ay bixinayaan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!