Imaam Masjid oo xalay lagu dilay gobolka Xeebta Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Imaam Masjid oo xalay lagu dilay gobolka Xeebta Kenya

Mareeg.com: Dabley hubeysan oo wadatay mooto ayaa xalay salaaddii cishaha kadib degmo ka tirsan magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta Kenya ku dilay wadaad Imaam ka ahaa Masjid lagu magacaabo Bilaal.

Wadaadka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Sheekh Salim Mwarangi, wuxuuna Imaam ka ahaa masjid ku yaalla deegaanka Likoni ee ka tirsan magaalada Mombasa, waxaana la dilay kadib markii uu dujiyey salaadda cishaha, sida uu xaqiijiyey Taliayaha booliska deegaanka Mombasa Robert Kitur.

Kooxda hubeysan ayaa labo xabadood ku dhuftay wadaadkan, waxaana isagoo dhaawac ah loola cararay Isbitaalka, halkaasoo uu isla xalay ku dhintay.

Wararka ayaa sheegaya in imaamkan la dilay uu kazoo horjeeday falalka ay wadaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee dalkaas, kuna xiran Ururka Alshabaab iyo Alqaacidda.

Wadaadkaan ayaa wuxuu dadka ku baraaruji jiray iney bulshada Kenyanka isku xirnaadaan, wuxuuna sidoo kale taageersanaa qorshaha ay wadday dowladda Kenya ee lagu suhayey amaanka gobolkaas.

Gobolka Xeebta Kenya ayaa waxaa ku sugan wadaado farabadan oo Muslimiin ah, kuwaasoo kala taageersan dowladda Kenya iyo kooxaha Islaamiyiinta ah eek u xiran Alshabaab, waxaana horay loo dilay wadaado dowladda ka hojeeray.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.