Ilmo isku dhegan oo ku dhashay Tuulada Cadcadey ee Shabeellaha Dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ilmo isku dhegan oo ku dhashay Tuulada Cadcadey ee Shabeellaha Dhexe

Mareeg.com: Ilmo Yaryar oo dhashay iyagoo isga dhaggan qeybaha dambe ee jirka oo laga keenay tuuladda Cadcaddeey oo hoos tagta degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka Ummah oo ku yaala degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Ilmahan ayaa leh 2 madax, 4 gacmood iyo 3 lugood  waxaa ay ku dhasheen Tuulada Cad-cadey ee gobolka Shabelaha Dhexe. Arrintaan ayaa ah uumista Allah Subxaanahu Watcaalaa.

Dhaqaatiirta Isbitaalka Ummah ayaa sheegay in arintaan ay tahay wax ilaahay xagiisa ka yimid loona baahan yahay in umada Muslimka ah ay ku cibra qaataan.

Dhaqaatiirta ayaa intaa ku daray in caruurtaan aan dalka gudahiisa waxba looga qaban karin halka ugu sokeysa ee wax looga qaban karana ay tahay dalka Jarmalka, waxaana ay bulshada Soomaaliyeed u soo jeediyeen in ay gacan ka geestaan sidii gargaar caafimaad oo dibada ah loogu qaadi lahaa.

Xamdi Maxamed Axmed oo ah hooyada Saamaaliyeed ee caruurtaan dhashay ayaa waxaa ay ka codsatay dowladda Federaalka  iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed in ay caawiyaan oo ay gacan ka siiyaan sidii caruurteeda gargaar caafimaad oo dibada ah ay u heli lahaayeen.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xaquuqul Insaanka Xukuumada Federaalka ah Soomaaliya, Muumino Sheikh Cumar oo caruurtaas Musjisada ku dhalatay ku booqatay Isbitaalka ayaa waxaa ay sheegtay in Wasaaradda ay gacan weyn ka geysan doonto sidii caruurtaas ay u heli lahaayeen gargaar caafimaad oo dibada ah waxaana ay ugu baaqday bulshada in ay arrintaas gacan ka geestaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!