Ilmo isku dhegan oo ku dhashay Muqdisho & wasiirka warfaainta oo booqday (Sawirro)

Mareeg.com: Labo ilmo mataano ah oo isku dhegan ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, waxaana ilmahaas ku jiraan Isbitaalka Ibnu-siinaa ee xaafadda Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho.

Ilmahaan labada ah waa labo gabdhood oo isku dhegan, ayaa waxaa wasiirka warbixin ka siiyey maamulaha Isbitaalkaa DR. C/raxmaan Cali Ciid.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta oo ciid ah booqday cisbitaal ku yaalla xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid halkaasoo ay ku jiraan ilmo mataano ah oo qeybta dambe isaga dheggan.

Maamulaha cisbitaalkaasi ayaa sheegay in xaaladda caruurtani ay tahay mucjiso rabbaani ah, caafimaadka ilmahaasna yahay mid degan.

Wasiirka oo hadlay ayaa ballan qaaday in uu dadaal badan ku bixin doono wax u qabashada caruurtaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in haddi ay caruurtani u baahanyihiin caafimaad dibadda ah ay dowladdu u qaadidoonto.

Ugu dambeynti wasiirka ayaa si gaar ah ula kulmay waalidiinta caruurtaasi, isagoo ka dhageystay warbixin gaar ah oo ku saabsan xaaladda noloshooda iyo tan caruurta mataanaha ah ee isku dheggan.

Arrimaha nuucaan ah ayaa ah kuwa dhif ah oo aan inta badan ka dhicin dunida, hase ahaatee waa wax ku yimid qadarka Alle Subxaanahu Watacaalaa.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245