Ilka-xanaf oo si cad uga horyimid Xeerka Golaha Adeega Garsoorka

Mareeg.com: Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya, Avv. Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa ku gacan seyray xeerka Golaha Adeega Garsoorka oo dhawaan baarlamaanka Soomaaliya meel mariyey.
Xeerkaan waxaa baarlamaanka horgeeyey wasiirka arrimaha dastuuka Faarax Sheekh C/qaadir.
Ilka-xanaf oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in arrinta ay waddo wasaaradda dastuurku tahay in hay’adi hay’ad kale shaqada ka qaaddo.
Ilka-xanaf ayaa tilmaamay in xeerka la mariyey baarlamaanka uu yahay mid meesha ka saaraya madaxbanaanida garsoorka.
“Garsoorka waa la habeyn karaa iyadoo aan dastuurka la jebin, laakin maaha in hay’adi hay’ad kale shaqadeeda ka qaaddo” ayuu yiri Ceydiid Ilka-xanaf.
“Dowladdu waxey leedahay saddex hay’adood oo kala madaxbanaan, oo kala ah: Baarlamaanka, Fulinta iyo garsoorka” ayuu yiri Ilka-xanaf.
Wuxuu sheegay Ilka-xanaf inaan loo baahneyn in la abuuro buuq iyo is qabqabsi “Looma baahna buuq iyo qabqabsi” ayuu yiri Ilka-xnaf.
Avv. Ilka-xanaf ayaa xusay in haddii la doonayo in isagu booska baneeyo uu diyaar u yahay inuu iska tago “Haddii la i yiraahdo iska tag waan iska tegayaa, loomana baahna buuq” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamadda sare Avv. Ilka-xanaf.
Dhawaan ayaa waxaa sidaan oo kale warbaahinta la hadlay Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka C/qaadir Maxamed Muuse, wuxuuna sheegay inuusan sharciga waafaqsaneyn xeerka Golaha Adeega Garsoorka ee baarlamaanka ansixiyey.
Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245