Ilka-xanaf oo ka cabanaya in AMISOM ilaalin weyday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ilka-xanaf oo ka cabanaya in AMISOM ilaalin weyday

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya, Avv. Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf  ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay diideen inay ilaaliyaan xarumaha hay’adaha garsoorka dalka, isagoo intaas ku daray in AMISOM ay howsheedii qayb ka mid ah dayacday.

Avv. Ilko-xanaf ayaa xusay in ilaalo la’aanta ay keentay in lagu dilo Muqdisho garsoorayaal badan, isagoo intaas ku daray in xarunta ugu weyn ee garsoorku ku shaqeeyo ay ilaaliyaan ciidammo Soomaali ah.

“Garsoorku wuxuu ka mid yahay saddexda hay’adood ee dalka ugu sarreysa, mana ilaaliso AMISOM, markaanu u sheegnay inay xarunta maxkamadaha oo ah halka garsoorku xilligan ku shaqeeyo ay ay ilaaliyaanna si cad ayay u diideeen,” ayuu hadalkiisa ku daray Avv. Ilko-xanaf.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in marka u doonayo in uu howl ama shir qabsado uu meelo kale ku qabsado nabadgalyo la’aan awgeed. wuxuuna intaas ku daray inaanu jirin hal garsoore oo ilaalo haysta, taasoo ah midda keentay in dadka howlaha garsoorka ka shaqeeya la laayo.

Mar uu ka hadlayay dacwooyinka la xiriira dadka loo haysto inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ayuu sheegay inay amni la’aan awgeed ay u qaadi waayeen cadwooyinkaas oo kale, balse ay qaaddo maxkamadda ciidamada qalabka sida.

“Amni la’aan ayay maxakmadaha kale ee caadiga ah u qaadi waayeen dacwadaha la xiriira A-shabaabnimada, burcadbadeednimada iyo siyaasadda, waayo iyagoo aan kuwaas qaadin ayaaba garsoorayaasha la laynayaa hadda, haddii ay qaadan maxaa dhici kara?” ayuu Avv. Caydiid Ilko-xanaf is-weydiiyay.

Ilkaxanaf ayaa dhawaan si toos ah uga horyimid xeer uu meel mariyey baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo loogu talagalay golaha adeega garsoorka ee isagu madax ka yahay.

Xeerkaan oo ay baarlamaanka u gudbisay wasaaradda cadaaladda ayaa laga yaabaa inuu meesha ka saaro qaar ka mid ah ama dhamaan xubnaha golaha adeega garsoorka.

Bishii April ee sanadkii hore ayaa Alshabaab weerara saacado qaatay ku qaadeen guriga garsoorka, waxaana halkaas lagi dilaay ilaa 50 qof.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.