Ilka-xanaf: Jebinta dastuurku waa dil ama xabsi daa'in * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ilka-xanaf: Jebinta dastuurku waa dil ama xabsi daa’in

Mareeg.com: Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Soomaaliya Ceydiid Cabdillahi Ilka-Xanaf ayaa sheegay in ciqaabka ka dhalan kara jebinta dastuurka  Soomaaliya uu yahay dil ama xabsi daa’in.

Avv. Ilka-xnaf ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay dastuurka is jebinayaa “Ciqaabka ka yaalla jebinta dastuurka waa dil ama xabsi daa’in, dad badan ayaana u jebinaya sidii biyo la cabayo” ayuu yiri Ilka-xanaf.

Mr Ceydiid ayaa shaaca ka qaaday in dastuurka dalka uu yahay lama taabtaan, islamarkaana qof waliba uu dastuurka ka sareeyo.

Wuxuu sheegay gudoomiyaha Maxkamada sare in qof waliba looga baahan yahay inay ilaaliso dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka u yaalo.

Khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya oo garsoorku qeyb ka yahay sii cusleeyey muranka siyaasadeed.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.