Muqdisho: Ilaalada xafiiska R/wasaaraha oo dilay qof rayid ah

Mareeg.com: Ilaalada xafiiska R/wasaaha Soomaaliya ayaa xalay toogasho ku dilay qof shacab ah, kaasoo deganaa meel aan aad uga fogeyn xafiiska R/wasaraha, C/weli Sheekh Axmed.

Nin magaciisa kusoo gaabiyey Maxamed oo saaka la halay KNN ayaa sheegay in xalay xilli qiyaastii todobo saac ah uu maqlay rasaas ay rideen ciidamada ilaaliya xaafiiska R/wasaaraha Soomaaliya.

Maxamed ayaa xusay inuu saaka ogaaday in qofkii xalay ku dhintay rasaastaas uu ahaa nin uu yaqaano, kaasoo lagu magacaabi jiray Mustaf Xasan Caate.

Wuxuu sheegay Maxamed in ilaaladu ka shakiyeen ninkaas oo deganaa dhabarka EX-fiyooyr, ayana ku rideen rasaas sababtay inuu dhinto.

“Xalay saqdii dhexe xilli todobo saac camal ah ayaan maqlay xabad, waan dareemay iney qof ku dhacday, saaka ayaan ogaaday in qodka la dilay uu ahaa nin aqaano oo la yiraahdo Mustaf Xasan Caate oo deganaa dhabarka dambe ee EX-fiyoore” ayuu Maxamed u shegay KNN.

Ma jiro wax war ah oo kazoo baxay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya oo ku saabsan dilka la sheegay in ilaaladu u geysatay qof rayid ah oo deris la ahaa.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245