Ilaalada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo rasaaseeyey dad Shacab ah

Read Time:49 Second

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in iska hor imaad uu halkaasi ku dhex-marey dad Shacab ah oo careysan iyo ilaalada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdi Rashiid Yuusuf Jibriil.

Iska hor imaadka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Midigale ee gobalka Sanaag,kadib markii dad ka careysan imaatinka Gobolka Sanaag ay banaanbax kala hor yimaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka,hayeeshee ay ilaalada rasaas ku fureen.

Dad ku sugan deegaanka Midigale ee gobalka Sanaag ayaa u sheegay Warbaahinta in rasaastaas ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex Ruux oo ay kamid yihiin qaar kamid ah ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa waxaa wararka la helayo ay sheegayaan in uu kamid yahay Taliye kuxigeenka 2aad ee ciidamada Booliska Puntland Gaashaanle sare Caydiid Axmed Nuur.

Sidoo kale wararka lahelayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Magaalada Badhan uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo imaatinka deegaano ka tirsan gobolka Sanaag uu ku tegay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdi Rashiid Yuusuf Jibriil.
.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.