Ilaa 700 Xaaji oo geeriyootay Makka Almukarama * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ilaa 700 Xaaji oo geeriyootay Makka Almukarama

irada dadka waxyeeladu ka soo gaartay isbuurasho ka dhacday magaalada Makka ayaa marba marka ka sii dambeysa sii kordheysa waxana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ay tirada dhimasha ay kor u dhaaftay 700 oo ruux, halka dhaawacauna uu ku dhow yahay kun ruux.

Sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta boqortoyada Sacudi Carabiya isbuurashadan ayaa waxaa ku dhaawacantay in ku dhow kun  xujay ah  iyadoo shilkan uu ka dhacay inta u dhexeysa buurta Carafa iyo Masjidka Xaramka.

Horaantii bishan ayaa wiish ku soo dumay masjidka xaramka waxaa ku dhintey 109 ruux halka ay afar boqol ku dhaawacmeen.

Waxaa laga cabsi qabaa in Tirada dadka ku dhintay isbuurashada ka dhacday agagaarka masaajidka Xaramka, waxaana socda gurmadyo loo fidinayo dadkii ku dhaawacmay shilkan.

Dadka ku dhaawacmay isbuurashadan ayaa loo kala qaaday isbitaalo kuyaal Mina. Waxana ay ku soo beegantay shilkan iyadoo xujayda ay ku gudajireen shaydaan tuurka. Hase yeeshe goobta uu shilkan ka dhacay ayaa ahayd waddo u dhexeysa teendhooyin ay degenaayeen xujayda.

“Wadada uu shilkan ka dhacay ayaa ah wadada 204aad. Balse isbuurashada kama dhicin goobta shaydaan tuurka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay xukuumada Sacudi Carabiya.

Madaxa guddiga dhexe ee Xajka Amiir Khaled al-Faisal, ayaa ku eedeeyay is buurashada qaar kamid ah xujay u dhashay wadamada Afrika sida uu shaaciyay taleefishinka Alcarabiya. Illaa iyo afar kun oo shaqaale ah iyo 220 gaadiidka Ambalaaska loo yaqaan ayaa ka qeybgalay gurmad loo fidinayay dadka wax ku noqday isbuurashada.

Lama oga illaa iyo hadda dadka ku dhintey isbuurashadan in ay ku jiraan dad Soomali ah iyo inkale

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!