Ilaa 30 Ruux oo lagu xiray howlgallo laga sameeyay Magaalada Buuloburde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ilaa 30 Ruux oo lagu xiray howlgallo laga sameeyay Magaalada Buuloburde

Howlgalladan oo ahaa kuwa ballaaran islamarkaana lagu xaqiijinayay amaanka Magaalada Buulo-Burde ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxey ku soo qab qabteen ugu yaraan 20 Ruux.

 

Guddoomiyaha Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan, Cabdi Casiis Duuroow Cabdi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa in Dadka lagu qab qabtay howgalladaasi haatan su’aalo kala duwan lagu weydiinayo Saldhiga Boolis oo ku yaala Degamada Buulo-Burde.

 

Waxuu sheegay in Dadkan lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab iyo falal amaan darri ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ee bartamaha Dalka Soomaaliya.

 

Sikastaba, howlgalladan ayaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda waxey ku sheegeen kuwa lagu sugayo amaanka Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan iyadoona xusid mudan in maalmihii u dambeeyay ay halkaasi ka dhacayeen Qaraxyo.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!