IGAD: Shirka lagu doortay Madoobe Noonow wuxuu liddi ku yahay Maamulka Juba * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

IGAD: Shirka lagu doortay Madoobe Noonow wuxuu liddi ku yahay Maamulka Juba

Muqdisho – Mareeg.com: Ergayaga urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya danjire Maxamed Cabdi Affey ayaa daboolka ka qaaday in ururkiisu ku mowqif yahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo diiday shirkii Baydhabo ee lagu doortay madaxweynaha maamula lagu sheegay lix gobol.

Danjire Afey oo la hadlayey VOA ayaa sheegay in samaynta Maamul Goboleedyada dalka looga dambeeyo Dowladda, sidaana uu qabo dastuurka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Afey in shirka maamul u samaynta 6-da gobo lee madaxweynaha loogu doortay Madoobe Nuunow uu yahay mid si cad lid ugu ah jiritaanka maamulka KMG ah ee Jubba ee fadhigiisu yahay Kismaayo.

Waxa uu intaa raaciyay in Urur Goboleedka IGAD aanu marnaba la shaqayn doonin dhinacyada ku hardamaaya shirarka iska soo horjeeda magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dowladda Soomaaliya ayaa cadeysay iney gacan siineyso oo kaliya maamul loo dhisayo 3 gobol, kuwaasoo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Waxaa dowladda moqifkaas ku taageeray Qaramada Midoobay, AMISOM, iyo IGAD, taasoo go’doon ka dhigeysa maamulka uu hogaaminayo Madoobe Noonow Maxamed.

Sababta maamulka Madoobe Noonow ku waayey taageerada ayaa ah inuu sheeganayo 3 gobol oo loo dhisay maamulka Juba, kuwaasoo kala ah: Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay inbadan ugu talisay in shirarka ka socday Baydhabo la mideeyo, islamarkaana la dhsio maamul mideynaya 3 gobol oo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, hase ahaatee qolada dooratay Madoobe Nuunow ayaa arrinkaas ku gacan seyray.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!