IGAD oo Soomaaliya u ballan qaaday taageero dheeraad ah oo la siinayo dowladda Federaalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

IGAD oo Soomaaliya u ballan qaaday taageero dheeraad ah oo la siinayo dowladda Federaalka

Muqdisho – Mareeg.com: Raysul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed iyo ergayga urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa manta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Danjire Afey ayaa u sheegay Raysul wasaare Cabdiweli in Urur goboleedka IGAD uu ballan-qaaday inuu xoojinayo taageerada uu uga qeyb-qaadanayo xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay kulan uu maanta la qaatay raysul wasaaraha Soomaaliya, wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa u gudbiyay raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed dhambaal tacsi ah oo uu ka siday urur goboleedka IGAD, kaas oo ku aaddan weerarkii ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Afey ayaa caddeeyay in ururka goboleedka IGAD uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, si dalku cagahiisa isugu taago.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyay IGAD taageerada joogtada ah ee ay siiso dowladda Soomaaliya, wuxuuna xusay inay dowladdiisa ka go’an tahay xasilinta dalka iyo ka hor-tagga kooxaha nabad-diidka ah ee halista ku ah amniga dadweynaha Soomaalida iyo gobolka.

 “Waxaan caddeeynayaa in Xukuumaddu ay ka go’antahay xasilinta dalka iyo ka hortaga kooxaha nabadiidka ah ee halista ku ah amniga shucuubta Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka.” ayuu yiri Raysul wasaare C/weli Sheekh.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si dhab u garab istaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliya, si loo helo xasillooni buuxda iyo deganaansho.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.