IGAD oo Maxkamadda Heeg kala hadleysa in ay Xafiis ka furato Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

IGAD oo Maxkamadda Heeg kala hadleysa in ay Xafiis ka furato Soomaaliya

Muqdisho ( Mareeg)-Max’ed Cabdi Afeey Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay in Maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ee Heeg ay kala hadlayaan sidii ay xafiis uga furan lahaayeen Muqdisho.

Afeey ayaa ku nuux nuuxsaday in Xafiiska Heeg eey ay ka sameysaneyso Soomaaliya la doonayo in uu wax ka qabto dadka horseeda Colaad beeleedyada ka dhaca Soomaaliya.

Dhawaan ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka dhacay dagaal u dhexeeyay Maamullada Puntland iyo Galmudug kaas oo ay xalliyeen masuuliyiin dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada isugu jira.

Dalka Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay ka dhacaan dambiyo dagaal oo mararka qaar ay ku lug yeeshaan dad Masuuliyiin ah

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!