IGAD Oo Ergay Usoo Magacawday Soomaaliya

Read Time:33 Second

Addis Ababa, Mareeg.com: Urur goboleedka IGAD ayaa maanta mar kale usoo magacaabay Ergay u qaabilsan Soomaaliya, iyadoo ninka lasoo magacaabay uu horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka Kenya.

Ururu goboleedka IGAD ayaa u magacaabay Danijire Maxamed Cabdi Afey oo ah siyaasi kazoo jeeda gobolka Woqooyi Bari Kenya ee Soomaalidu degto.

War kasoo baxay Xoghayaha guud ee Ururu goboleedka IGAD Maxbuub Macallin ayaa lagu sheegay in IGAD u magacaawaday Maxamed Cabdi Afey inuu noqdo ergayga ururkaas u qaabilsan Soomaaliya.

Danjire Maxamed Cadbi Afey ayaa horay usoo noqday safiirka Kenya u qaabilsan dalka Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka weyn ka qaatay dhismaha dowladda Soomaaliya ee lagu soo dhisay dalka Kenya.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %